Thursday, November 7, 2013

Hidda-raac Axmednuur Cabdilahi Xuseen (Nuur)



Hidda-raac
Axmednuur Cabdilahi Xuseen (Nuur)
Waa mansadii koowaad  ee uu ku soo  galo silsiladda isagoo war doona. 
Hawraarta maansada
 Iyo Hoga tusaalaha
Hal abuurka tiriyoow
Salaan aan ku ladhay hibo
Oon duca ka haqab tiray
Hiif iyo dagaal iyo
Halgaadna86 ay ka dheeratahy 
Hooya oo gudoonsada

Marka xiga hilqaadlow
Hal abuurku waa deeq
Hoodo weeye aadmiga
Rabi hibo u siiyo
Lagu kala horeeyo
Ninba wuxu higaadshaa
Ama heenso saara
Ama uu hadhuubkiyo
Haamaha ka buuxshaa
Dadka ka haqab beelshaa
Inta ay hankiisiyo
Hoodadissu joogto
Hayntu kuuma goysee
Hadalkeeda da taas

Afartaasi hawraar
Iyo hadaladaydii

Midkalena halweeye
Aan hoos u daadago

Maansad ha laga wado
Hal abuurka curiyee
Cali gari horgalayoow
Hal aan idin suaale
Sheekadu ha weeyo
Helay faaladeede
Hilinkeedu waa kee?
Horta yay u tahay hiil?
Ma cid gaar ah bay hayb
Iyo hilib wadaagaan
Ooy u hilaadisaa naqa87?
Mise hoga tusaaliyo
Hasaawe weeyaan
Hal xidhaale lagu ladhay
Ma sirbaa hadoodilan
Oo suul dhabaale waa hadal
Sanqashadu la hayb tahay
Mise waanan haynino
Hilinkaan ka weecdee
Ruuxba waa halkuumaro
Iyo haadka uu rabo
Afartaasi hawraar
Iyo hadaladaydii

Halkalena wuxu yahay
Horta guud haldhaaleey
Waa heego muuq dheer
Qurux waa ka hodanoo
Waa dhabeel88 hubqaad wacanoo
Halka ay ku dhalata
Hoy dhaqan ahaydoo
Ma taqaan habeen dhaxa
Hooyadeedna waa hufan
Waa la hida raaco
Horwayna geela iyo faras
Iyo halawle maadhiin
Ayuu aabaheed helayo
Haynta kalena waa buux
Afartaasi hawraar

Iyo hadaladaydii


Halkalena wuxu yahay
Doobabkiinan heese
Cali gari hormuud yahay
Ubaxlena hal adagyahay
Hilqadliyo aftahan iyo
Khaliijna ay horeeyaan
Hal abuuro tiro badan
Hayhaato kuwa jira
Iyaguna ku haystaan
Horta aan is baranee
Hide yaad wadaagtaan?
Hub maxaad ka haysaan
Hayn maxaad ka leediin
Ood huri karaysaan?
Hindisihiinu waa maxay?
Ma habeeno dhawroo
Hawl aad ku bogataan
Iyo sheeko haaheey
Oo hargo madhan baa la tumayaa

Mise hawshu durugtee
Kii abwaan ka heese
Cilmi hog ugu siibtee
Laylana haligaybaa
Dabin idinla helayoo
Arinkiinu waa halis

Afartaasi hawraar
Iyo hadaladaydii

Halkalena wuxuu yahy
Maansadayda hiddaraac
Waan haadiyoo hufay
Cidna kuma handadyoo
Kama dhigin habaar iyo
Hadal nabar damqaayo
Boogah hulaaqee
Hilinkeedu waa toos

Halka ugu danbaysana
Sheekada kamaan hadhin
Mana gabin halkaygii
Mana dhigin hubkaygii
Markalaanse hoga tusa
Hog kaleeto aan dagi
Haddaan mawdku iga helin
Hasaawuhu inoo furan 
 


No comments:

Post a Comment