Axmednuur C/laahi Xuseen
Waa maansadiisi
labaad ee aan ku leeyahay silsiladda waxaanay si guud ula hadlaysa rag ku jira
silsiladda iyadoo u sheegaysa mid waliba halka uu seegay waxaanay ku
boorinaysaa in silsiladda aan kaftanka laga saarin waxaanay ku bilaabmaysaa sidan
Bismilaahi hadalkiyo 
Hawshaad wadaaba 
Heedhe lagu bilaabaa 
Hoobeey carruurtaa 
Hurdo loogu seexshaa 
Hees loogu qaada 
Hoogayduna haweenbaa 
Halhayskooda ay tahay 
Hadalkana ninkii wayn 
Habbaa loogu sheegaa
Afartaas halkaas dhigay 
Halkalena bal aan dayo
Ninka heelka sare iyo 
Yaman hees kasoo diroow 
Hanbalyaan ku leeyahay 
Halkalena wuxu yahay 
Hoygaanu naale
Nootaalo harartuna 
Waa hilin barwaaqo 
Waa hooy islaamoo
Hanbalyiyo ducaa taal
Afartaas halkaas dhigay 
Hal kalena bal aan dayo 
Ninba hilin u qaadaba 
Maansadu ha weeyaan
Waa hoga tusaalayn 
Habna way u socotaa 
Hoyga ay ka duushee 
Heensuhu u yaalin 
Isaguna ma hawl yara 
Ana heedhe maansada
Hida raac dirkediyo 
Himilaan ku soo daray
Afartaas halkaas dhigay 
Halkalena bal aan dayo 
Rag hadduu hujuun galo 
Hanfiguna uu leefoo
Hoobiyuhu dushiis maro 
Dhinbiiluhu hor yaacaan 
Fulay hambaska liitiyo 
Halyeey meel ma wada galo
Afartaas halkaas dhigay 
Halkalena bal aan dayo
Hal abuur aftahanoow 
Adigaa hujuunkiyo 
Maandhaw hugun bilaaboo
Geediga hakinayoo
In ay tahay hir beeniyo 
Hal aan la gaadhayn 
Hees noogu sheegee 
Horta ani hal iga maqal 
Bal inaad hanyare tahay 
Saxiib hanfade tahay 
Doobkan guud haldhaaleey 
Wado halaq u marayee
Hor ilaahay caashaqu 
Heensaha  u saaree 
Habeen dhexe alaylkii 
Aar
u soo hujuumee 
Idil habar dugaaguna
Weerar soo humeenee
Haddateeliyeene
Misna hawilihiisiyo 
Hadafkiis u sheegee
Hanbalyiyo salaan iyo 
Duco ay ku hoobsheen 
Miyaad himaladiisiyo
Hawlihiisa kalatuur
Hugun iyo hure iyo 
Hebello aad usoo tidhi 
Afartaas halkaas dhigay 
Halkalena bal aan dayo
Adiguna hilqaadloow
Halbaa iga suaalehe
Hoobalkaad ku heestee
Inantii u hoysee 
U hibaysay saxiib 
Ee heere iyo balihadhac 
Hawd sare ku mehershee 
Hoyga uga yagleele
Hadhuub kula wadaagtee 
Heemaalna ugu tagay 
Misna haatuf kuu yimi 
Hanbalyada ugu dhiibtee 
U hanaysay gabadhii 
Bal muxu halyeey nuur 
Haynta uu ku dhaama
Isagaaba hanadkani 
Murti hodan ka joogo
Horwayn geel u tahayoo
Midkastoo hammuun iyo 
Gaajiyo haraad qaba 
Haneedka bidixbuu 
Hadhuub kala galaayoo 
Hirqada dabeetana
Afartaas halkaas dhigay 
Halkalena bal aan dayo
Hadar  doobka keenow
Adna heedhe saxiib
Nin dhamooy hadiisi 
Halkaas qudha ku xidhantahay 
Kugumay haboonayn 
Inaad hadar ku sheegtoo 
Mandhow hankiisi
Haadaan ka tuurtee 
Waa maxay hawaawigu 
Hogseeg weeye ee garo 
Afartaas halkaas dhigay 
Halkalena bal aan dayo
Adna hebel jimcaalow 
Hortii waad ka fiicnayd 
Halse waanan kula qabin 
Inay hawshu durugtoo 
Weerar iyo hujuun dhaco
Dadna ay halaagmaan 
Hooyooyin waayaan 
Hanadaday barbarsheen 
Hakibaanse odhan laa
Halka ugu dan baysana
Waxaan heesta kaga baxay 
Heelkiyo golaha furan 
Kaftan baa hagaayo 
Hasaawe weyee
Aan ka dhawrno hadimada
No comments:
Post a Comment