Friday, November 8, 2013

Geenyo



Geenyo
Axmednuur C/laahi Xuseen
Waa maansadiisi saddexaad waxaanay si gaara ula hadlaysaa Ubaxle iyadoo ku dhaliilaysa in uu gabadhii ku tilmaamay Jin iyo waxaan la hayn.


Hal abuurka gugan
Sabankani gudbiyo
Geeshkani kacoow
Gadhwadeenadoow
Gidigiin salaam
Bal gudooma oo
Gacan qaadka hoo

Goortii dhawayd
Wanigii golaa
Gees uga baxee

Haatan  aan god kale
Geediga furee
Geenyo  iigu dara

Sidaan goor dhawayd
Warar soo gudbiyo
Gaasira dirked
Gefer aan ka helay

Arrinkii gurracan
Garnaqsaa la furay
Geedbaa la tagay
Ninba golaha keen
Wixii gubay isaga

Gurtidii arrinka
Gashay ee wadaan
Iyaguna gartii
Geesna aan u ridin

Xaalkuna gig noqoy
Layskuna gardiid
Garo oo ogoow
Waxa laysku galay
Maaha geel la dhacay
Naf godayna ma taal
Waa guud haldhaa
Oo garashadeed
Ruuxba gees ka maray

Anna goortan iyo
Laylkan gaaban baan
Ubaxloow garkale
Kugu soo galee
Bal garwaaqsa oo
Garawshiiyo keen

Gabadh caayideed
In ay tahay gafoo
Guurti xeer ka tidhi
May  ku garab martoo
Gacaloow ma ogid

Adna guud haldhaa
Goodaada iyo
Halaq guurayiyo
In ay goor dhawayd
Guumays dhashoo
Garas loo karshaad
Geedkii la timi

Garo  oo mar hore
Waadigii gafee
Yidhi guud haldhaa
Waa gabadh jin oo
Lama gaadhi karo

Haatan iyo gaw
Intaasoo gafbaad
Gidii wada gashoo
Misna golaha yaal

Waa hooyee garo
Marna guriga iyo
Ubad geeshabay
Gacalow dhashaa

Marna waa gobaad
Gabadh aad dhashoo
Ma  gaydee xummaan

Laba kuu  gudboon
Bal miduun gudoon

In aad xaal gobeed
Golaa keenta ood
Giddi wiilashii
Misna guud haldhaa
Gayaankeed ahaa
Gaadhsiisa iyo
In golaa la tago
Oo guurti iyo
Odayaal galaan 

Gar cadaawe aan
Kala guranaoo
Geesteed ka maro

Hadal iyo guntii
Geenyiyo warkeed
Aan gunaanadee
Gidigiin abwaan
Gaar ahaan intii
Heesahan gobeed
Gola  keentayoow
Xil guunabaad
Garbaa saarateen
Umadbaad gabood
Geeydh aad u tiin 
Xumaa kaga gudboon
Ee garashadiin
Gawsku yaanu dabar
Giijiya ku noqon

Xaqa garab istaag
U gargaar samaa
Gacansii dulmane
Ka gardiidayana
Runta gaw ku sii

Kaan gabood lahayn
Guri u yagleel
Gaasiinkaa la cuno
Gaw kay ka tahay
Gaajo yuu u dhiman
Haraadkuna gig tiring

Geelana hashaas
Galow loola baxay
Kaligii guntade
Yuu hadhuub la galin

 Anigana ga’ dii 
Waa iga guntii
Iyo gabagabii
 

No comments:

Post a Comment