GARBA SIMAN
25/August /2012
Mukhtaar  geesiyoow 
Buurti gacan libaax 
Guradii hargeys 
Gurigii ku yiil 
Guubaabaadaad 
Ka soo gacal dirteed
Afmaal guud ahaan 
Gaar ahaan bahdii 
Hawraarba gabi 
Gaar ugu xusteed
Go’ tuurtayeed
Gabo gabo ku tidhi 
Xilkii waad gabteen 
Waad gaabiseen 
Na soo gaadhayoo 
Gudihii burciyo 
Golihiii timo 
Guud ahaan raggii 
Kuu garaaba oo 
Allaylehe gartaa 
Gobbaa dhiidhidoo
Galow kacay habeen 
Wax gubaa jiroo
Fiintaba galaydh 
Gudcurkoo dam yidhi 
Cirka gaaxday iyo 
Guga soo curtaa
Kaga daran gantaal 
Inaan gaabiyoo 
Gucliihii dhimaan 
Gaar isu qaboo
Cafis gaysabaan 
Islahaa golii 
Goortaad tagtee 
Murti guun ahayd 
Wadaad laga guntaa 
Gundhigeed ahaa 
Isku goostayoo 
Isu maanan gayn 
Dibnahana ma galin 
Intu yahay gugay 
Go’ e laba tagoog 
Wax ka dhigan gaddaa
Maankaba ma galin 
Garba siman raggii 
Inuu gaar u baxay 
Noqday  laba gudboon
Faala  guudmariyo 
Arar iyo godkeed 
Gabogabo intaan 
Ka soo gaadhay 
Geel daaq wax jira 
Kaga gudub  intaa
Biyo gororka iyo
Gobadii warkana 
U soo gudub haddeer
Goblantada adduun 
Gaadhay shiidiyoo
Way gabaabsidoo 
Gamashiday haddeer
Inay tahay guntii 
Murdis gaadha iyo 
Goror kii ku hadhay 
Garaadkii fayoow 
Wuu garanayaa 
Guul wax loo yaqaan 
Mansab goobid iyo 
Dhoobo isu gayn
Tulud geel ahayd 
Mid aan gacal u diran 
Xoolo seeg  u go’ay 
Baa  garaada loo 
Guurti loo yaqaan 
Gole lagu kulmoo 
Xajaadii guracan 
Garta laba dhex taal 
Lagu axadh gurroo 
Lagu gooyo samo 
Midaan gallina tagin 
Baa  garaada loo 
Guurti loo yaqaan 
Mid aqoon ka gudhan 
Ka gabnaa caqliga 
Baa  garaada loo 
Guurti loo yaqaan 
Geesiyo nin raga 
Aan guunyo hayn 
Shilin goon karayn 
Waa la gaasiroo
Gunba loo yaqaan 
Goonbaarta iyo 
Gaaridii haween 
Way gudboon yihiin
Geestaad daydaba 
Xaalku waa guracan 
Dhabankiyo gacmii
Isla gaadhayoo 
Waa galab carow 
Garashada rag waa 
Giftin labada mudac 
Nin gariirto lihi 
Isla goobayoo 
Isu gayn la yahay
Wax ka dhigan gadda 
Laba gacal ahaa 
Wada yaal guryaa
Gef haduu dhex maro 
Gashi kala tawdaan 
Gobonimadu sow 
Gar allee ma ahaa 
Inuu guura’oo  
Galabta miduun 
Geediga lalabo 
Abaar gudubtayoo 
Jartay guunyadii 
Ninkii gabawareee 
Aqalkiisii gubay 
Gurgurshaagi  yuu 
U gurayn lahaa 
Garboodkiyo haween 
Boqna gooyayee
Gondihii ka jaray 
Aan wada go’nee 
Gagida ila ool 
Gar miyaa tolow
Gacan hore nin  qabay 
Hadduu goostayoo 
Gurigii yabyabay 
Isu taagay gaar
Libtu gaadhay iyo
Guushu hantiyay 
Ma in laga gubtaa?
Gabagabada iyo 
Gunta sheekadii 
Idinkoo gudboon 
Waa idiin garoon
Goob loo dhan yahay  
H.A. Ahmed Abdillahi Hussein 
No comments:
Post a Comment