marka laga tago in munaasibad gaar ah loogu talo galay haddana waa mawduuc ay muhiim tahay markasta in laga hadlo, waana gabay mar kasta iyo madal kasta oo nabada lagaga hadlaayo ku haboon.
BAAQA NABADA
Bismilaahiba lagu gala baabkastaad
furiye 
Oo lagu bilaaba ilayn barako weeyaane
Aniguna ma baal marin ee haddaan
soo bandhigayaaye
Bulshayahay I maqal waano waad
iiga barateene
Noolahaas ilaah badiyay ee duinada
buux dhaafshay
Badda kaa ku jira iyo kaas barriga
samo ku baashaala
Kaas baal ku duuliyo midkaa beerka
ku hadaafa
Laba kii ku baydada midkii afar ku
boodaaya
Kii buur rakaystiyo Midkaa Bohol
ku noolaada
Kii Aqal binaystiyo midkaa Boodhka
ku hurdaaya
Boqor kii isagu sheegta iyo kaan
cidiba soo beegsan 
Kii boqolka geel foofsadiyo kaan
barnaba haysan 
Bilyan lacaga kaa baan dhigtiyo
kaan beesad shilin haysan 
Kii beer carruuraad ilaah boqori
uu siiyay 
Iyo kaa bidhaantood ka madhan kay
ku tahay beebi
Hubka boqolka nooc ahi midkuu
beydka uga buuxo
Ee balayiinta foofsada sidii
baraha xoolaad
Een cidina kula baratamayn lagana
baydhaayo
Nimco kii u balawaadha iyo kaas
baladu guud joogto
Boqolaalkan nooc ee misana dunida
buux dhaafshay 
Midkastaaba nabad waw bukaa una
buseelaaye
Iyaduu u wada baahan yahay noole
beer lihiye
Intay nabadu baashada taal baqahu
kaa dheere
Boqolkaas hal dheertahay markaad
hayso baalaha’e
Waa hoyga loo baratamee lagu
badhaadhaaye
Waa barwaaqo nololeed oo ninkii
beegsadaa helo’e
Waa astaan badhaadhaha adduun lagu
hal beegaaye
Waa keymo baad qariyay oo badanku
doonaaye
Waa caano beeraad laga lisoo baahi
loo qaba’e
Waa barkimada rag wada leeyahaan
cidina baasayne 
Afartaas bartii aan la rabay
shiishka ma ku beegay 
Ma bineeyay xaajaba god bay
beegsataa abide
Afar kalena aan soo baxshee  buugga ku xaqiija 
Maalintay Balaayadu kacdee ay
baduna guuxdo 
Birta kii isagu haysta maalintuu
bixiyo ee taago
Hubka laysku wada boobayana duindu
buux dhaafto
Baaruudu maalintay qaraxdo ee
baasku kor u yeedho
Maalintay colaad baahdo ee maxasta
loo baydho
Ee lays baabashee misana laysku
bahaloobo 
Boqolaal nin oo magic lahaa markuu
haadku kala boobo 
Ee baqayaha iyo dhurwaa libin ku
baashaalo 
Ee Oday boosle xeer beegti mudan idil
la baabiiyo
Maalinta naftuba baabadee maalku
badi leedo
Maalintay bartii shalay wacnayd
qiiqu ka bulaamo
Ee baalayda iyo habar dugaag
baqaha uu guuro 
Maalintay Addoomuhu baryada wada
bilaabaan 
Eebow I bixi maalintuu hadal ku
soo beegmo
Nabad waa u wada baahan yahay
Noole beer lihiye
Cidna kuma badhaadhoo colaad kuma
bogsoodaane 
Waxay biiso mooye ma jiro wanaag
looga bogayaaye
Ninka baawar sheegtiyo ninkii
baqaya ee liita
Midkastaba colaad waa u balo iyo
baase nololeede
Ninka isagu baaqbaaqayoow adiyo
baashaada.
Afartaas bartii aan la rabay
shiishka ma ku beegay 
Ma bineeyay xaajaba god bay
beegsataa abide 
Afar kalena aan soo baxshee buuga
ku xaqiija 
Afrikada waxaa baabashee taagay
bacadkaas
Ee ay u bohol yoobayaan una
bukoodeen 
Oo waa baaq colaadeed oo baahay oo
fidaye
Bahalkii caddaaba ka tagay Bari
gumaystiiye 
Intu beelo noo kala dhiguu
boodharana jeexay 
Ayuu beeray aafaadkan baahayee
badi na naafeeyay
Oo boqol  sano gadasheed wataa taagan baradiiye
Allahayoow adaa boqorehee nabada
noo buuxi 
Afartaas bartii aan la rabay
shiishka ma ku beegay 
Ma bineeyay xaajaba god bay
beegsataa abide 
Afar kalena aan soo baxshee buuga
ku xaqiija 
Barta laga bilaaba Hadal lagu
bireeyaayee 
Anna baaqan gabay waxaa beegsi uga
yeelay 
Bulshooy nabada beer waa bar
waajibahe
No comments:
Post a Comment