GEED IS MARIS
H.A. Ahmed Abdilahi Hussein 
Maansadan Magaceedu Yahay GEED-IS MARIS waxa ay soo baxday 13/03/2013.
Waana maanso ka hadlaysa wacdiga iyo waayaha adduun.
Salaad waliba Goorteeda
| H.A. Ahmed Abdillahi Hussein | 
Gole waliba hawshiisa 
Erey waliba goobtiisa 
Galti baahan soo hoynta 
Marti soor u gaynteedu 
Gobta caadadeed weeye 
Anigana xil ii gaara 
Faral saaran guudkayga 
Gayigeenu igu leeyay 
Inaan gudo xaq igu weeye
Waxaan galabta suugaanta 
Gabay iyo tix iyo maanso 
Geeraarka marintiisa 
Jiiftada  gorfeynteeda
Laabta uga soo gooyay
Gorafka gu soo maalay  
Ubaxlow u golo keenay 
Inaan waajib gudo weeye
Bulshadayda gabigeedba
Godka inaan ka duwo weeye
Samahana guddoonsiiyo
Afartaasi waa guud mar 
Arar iyo godkeed weeye
Iyo geedo sare waabka
Afar kale gorfeyn weeye
Anigiyo Garaadkayga.
Walee gaaniyow heedhe 
Gabay dalabyo tuur yeesha 
Waligay ma gola keeno 
Galin maayo diiwaanka 
Dhuunina ku gadan maayo
Qabyadana gufaynteeda
Garashaa I yeelsiisay
 Erey kale haddaan goobo
Faalada u sii guuro 
Gacal kaad ka dhiganayso 
Eed garab ka filanayso 
Waa Geed is maris Bahala
Gungumiyo abees weeye
Waabayda kula gaada
Waa dhurwaa u gaajaysan 
Hilbahaaga gadistooda
Shalay gurigu kuu sahanshay 
Markaad geedigii keento 
Adigoonon loxos goynin 
Ninka dhaha ka guur weeye
Gacal oosha wada yaala  
Garo oo ul iyo diirra
Guunyadu u wada daaqdo
Abidkoodna kala guurin 
Ninka balo ka gada weeye
Kala geeya meel baasta
Waa shilin gabaareey ah 
Gafaniyo qaniin weeye
Jirjiroole gadihiisa
Ammintiiba midab gaara
Iyo goorta uu joogo
Isu dhiga geddiis weeye.
Gaaliyo dirkeed maaha 
Muslinkana la gedo maaha 
Halkaad guul ka filanayso
Isagaa gufaynaaya 
Goldoloolo aad leeday 
Isagaa ka dhiga guulo 
Gobonimo u dirirkeeda
Gacan waligi muu qaadin 
Erey qudhana muu gaysan 
Misna geesi diran weeye 
Eraygaasi googaaa dheh 
Gudbi Maxamed suugaanta 
Gaadhsii Bahweynteena
Iyo goboladii oo dhan 
Waa goob la muuneeyey
Googoosyo lagu daahay 
Baallaydu gabigeedba 
Gole weeye ay joogto 
Tukaa gees u yara baydhay
Intuu gaar isula shawray 
Wuxuu talo ku gawsiiyay
Tashi gubayey laabtiisa
Inuu maanta gole keeno 
Gogoshii ku soo laabay
Kuye guurtidaay heedhe 
Codsibaan gudbinayaaye
Yaan laygu gacan saydhin 
Shimbiraha gadaydaas ah 
Inta iga gu hoosaysa 
Dhirta midhaha guud saran 
Gacalkayoow ha loo daayo
Gobolada kale haadda
Intaan gaban u noqonaayo
Hilbaa gaar ha loo siiyo
Lagu garay tukii xeesha 
Iyo laba gar daaqlaynta
Lagu yidhi guddoon weeye
Hawraarsan lagu goosay
Isna libin ku geeraarka
Madashii ku goobaysay 
Gabay iyo ka tiri heeso 
Biyo gororka maahmaahda
Adiguna Garaadkaaga
Rag hadduu is garan waayo
Ama Guurti kala saarta
Gayigaba ka soo waayo 
Marag kii u gali la iyo 
Garsoorkii u niqi laana 
yahay ruuxa gashiyaysan 
Gafka uu tirsanayaana 
Cidi ugu Garaabaynin
Garawshiiyo ku helaynin 
Iyo Daw Cid Garansiisa 
Godobtiisa inu doonto 
Sow lama gafaan maaha 
Godku halaqu kaa saydhay 
Inaad maanta garan weydo 
Markalana lagaa goosto 
Sow ganac jabkaa maaha 
Jidkii Bahalka kuu geeyay
Iyo Goosha iyo aarka
Markuu guule kaa saaray 
Dib u dheelmad galabtiiya
Inuu goobti kula aado 
Sow garasho xumi  maaha 
Aniguna gobtaay heedhe 
Waan sii galbinayaaye
Go’aan adigu aad leeday 
Nin garoocda ha u dhiibin 
Mid Hangaaban uga dhaaro 
Adna geesigaad boqorto
Gol qaniinis  haku maalin 
Guja nacasta ka ilaali 
Maalmaha is guristooda 
Gedmashada ka dhawr adigu 
No comments:
Post a Comment