Gorgoradii togdheer beri ahaa gaabshe orodkiiye
Hadday waa Garmaamayn jireen gabe itaalkiiye
Sida oday gadhoosaa haddeer goste tukubaaye
Gees bay u wada liicayaan gabanadeeniye
Tartankii la galay waakuwa taagan gagidiiye
Guushiina may hanaan tiil goobta lagu dheelo
Waxa ganacjabka ugu wacan waa garaad xumo
Iyo garashadaas liidatiyo maanka gawracane
Ninkii ganaya iyo waa ogyahay kii galaday aare
Guunyaduna way kala taqaan aadmi gadihiiye
Fiintana gugaa soo curtaa galiya dhiiloowe
Abeesaduna waxay geed u kori jilaal guradiisa
Garaad farayabay leedihiyo garasho sii dheere
Shiniduba waxay guud ahaan wadar ku soo goyso
Ee ay geedad kala jaadihiyo ubax u guud fuusho
Midna gaar isuma siiso iyo gooniday tahaye
Gadu yahay aboorbaa dundumo giija oo xidha’e
Gacmo wada jiraa lagu hanta guusha abidkeede
Go’e taladu way kaa xuntahay goortan maanta ahe
Gagi boodhlehbaad yuururtaa waanad garanayne
Ceebta gurada kuu taalabaan kaa go’ayn abide
Goonyaha dalkaa laga ogayahay gabiga Soomaale
Lixdankii halkii laga
gurtaad dib ugu guurteene
Geediga ninkaa kuu raraa geeyey ciirsi la’e
Gabaahiira waa kaa ku furay iyo guricas boodh weyn.
This comment has been removed by the author.
ReplyDelete