Monday, November 11, 2013

GARBO SIMAN



GARBA SIMAN
25/August /2012


Mukhtaar  geesiyoow
Buurti gacan libaax
Guradii hargeys
Gurigii ku yiil
Guubaabaadaad
Ka soo gacal dirteed
Afmaal guud ahaan
Gaar ahaan bahdii
Hawraarba gabi
Gaar ugu xusteed
Go’ tuurtayeed
Gabo gabo ku tidhi
Xilkii waad gabteen
Waad gaabiseen
Na soo gaadhayoo
Gudihii burciyo
Golihiii timo
Guud ahaan raggii
Kuu garaaba oo
Allaylehe gartaa
Gobbaa dhiidhidoo
Galow kacay habeen
Wax gubaa jiroo
Fiintaba galaydh
Gudcurkoo dam yidhi
Cirka gaaxday iyo
Guga soo curtaa
Kaga daran gantaal

Inaan gaabiyoo
Gucliihii dhimaan
Gaar isu qaboo
Cafis gaysabaan
Islahaa golii
Goortaad tagtee
Murti guun ahayd
Wadaad laga guntaa
Gundhigeed ahaa
Isku goostayoo
Isu maanan gayn
Dibnahana ma galin
Intu yahay gugay
Go’ e laba tagoog
Wax ka dhigan gaddaa
Maankaba ma galin
Garba siman raggii
Inuu gaar u baxay
Noqday  laba gudboon

Faala  guudmariyo
Arar iyo godkeed
Gabogabo intaan
Ka soo gaadhay
Geel daaq wax jira
Kaga gudub  intaa
Biyo gororka iyo
Gobadii warkana
U soo gudub haddeer

Goblantada adduun
Gaadhay shiidiyoo
Way gabaabsidoo
Gamashiday haddeer
Inay tahay guntii
Murdis gaadha iyo
Goror kii ku hadhay
Garaadkii fayoow
Wuu garanayaa
Guul wax loo yaqaan
Mansab goobid iyo
Dhoobo isu gayn
Tulud geel ahayd
Mid aan gacal u diran
Xoolo seeg  u go’ay
Baa  garaada loo
Guurti loo yaqaan
Gole lagu kulmoo
Xajaadii guracan
Garta laba dhex taal
Lagu axadh gurroo
Lagu gooyo samo
Midaan gallina tagin
Baa  garaada loo
Guurti loo yaqaan
Mid aqoon ka gudhan
Ka gabnaa caqliga
Baa  garaada loo
Guurti loo yaqaan
Geesiyo nin raga
Aan guunyo hayn
Shilin goon karayn
Waa la gaasiroo
Gunba loo yaqaan
Goonbaarta iyo
Gaaridii haween
Way gudboon yihiin
Geestaad daydaba
Xaalku waa guracan
Dhabankiyo gacmii
Isla gaadhayoo
Waa galab carow

Garashada rag waa
Giftin labada mudac
Nin gariirto lihi
Isla goobayoo
Isu gayn la yahay
Wax ka dhigan gadda
Laba gacal ahaa
Wada yaal guryaa
Gef haduu dhex maro
Gashi kala tawdaan
Gobonimadu sow
Gar allee ma ahaa
Inuu guura’oo  
Galabta miduun
Geediga lalabo
Abaar gudubtayoo
Jartay guunyadii
Ninkii gabawareee
Aqalkiisii gubay
Gurgurshaagi  yuu
U gurayn lahaa
Garboodkiyo haween
Boqna gooyayee
Gondihii ka jaray
Aan wada go’nee
Gagida ila ool
Gar miyaa tolow
Gacan hore nin  qabay
Hadduu goostayoo
Gurigii yabyabay
Isu taagay gaar
Libtu gaadhay iyo
Guushu hantiyay
Ma in laga gubtaa?
Gabagabada iyo
Gunta sheekadii
Idinkoo gudboon
Waa idiin garoon
Goob loo dhan yahay 

H.A. Ahmed Abdillahi Hussein 

BAAQA NABADA (GABAY)

Gabaygan BAAQA NABADA waxa uu soo baxay badhtamihii sanadkii 2010, xiligaas oo magaalada Burco lagu qabanayay tartankii gabayaada Nabada ee dhallinyarada Somaliland.
marka laga tago in munaasibad gaar ah loogu talo galay haddana waa mawduuc ay muhiim tahay markasta in laga hadlo, waana gabay mar kasta iyo madal kasta oo nabada lagaga hadlaayo ku haboon.



BAAQA NABADA
Bismilaahiba lagu gala baabkastaad furiye
Oo lagu bilaaba ilayn barako weeyaane
Aniguna ma baal marin ee haddaan soo bandhigayaaye
Bulshayahay I maqal waano waad iiga barateene
Noolahaas ilaah badiyay ee duinada buux dhaafshay
Badda kaa ku jira iyo kaas barriga samo ku baashaala
Kaas baal ku duuliyo midkaa beerka ku hadaafa
Laba kii ku baydada midkii afar ku boodaaya
Kii buur rakaystiyo Midkaa Bohol ku noolaada
Kii Aqal binaystiyo midkaa Boodhka ku hurdaaya
Boqor kii isagu sheegta iyo kaan cidiba soo beegsan
Kii boqolka geel foofsadiyo kaan barnaba haysan
Bilyan lacaga kaa baan dhigtiyo kaan beesad shilin haysan
Kii beer carruuraad ilaah boqori uu siiyay
Iyo kaa bidhaantood ka madhan kay ku tahay beebi
Hubka boqolka nooc ahi midkuu beydka uga buuxo
Ee balayiinta foofsada sidii baraha xoolaad
Een cidina kula baratamayn lagana baydhaayo
Nimco kii u balawaadha iyo kaas baladu guud joogto
Boqolaalkan nooc ee misana dunida buux dhaafshay
Midkastaaba nabad waw bukaa una buseelaaye
Iyaduu u wada baahan yahay noole beer lihiye
Intay nabadu baashada taal baqahu kaa dheere
Boqolkaas hal dheertahay markaad hayso baalaha’e
Waa hoyga loo baratamee lagu badhaadhaaye
Waa barwaaqo nololeed oo ninkii beegsadaa helo’e
Waa astaan badhaadhaha adduun lagu hal beegaaye
Waa keymo baad qariyay oo badanku doonaaye
Waa caano beeraad laga lisoo baahi loo qaba’e
Waa barkimada rag wada leeyahaan cidina baasayne
Afartaas bartii aan la rabay shiishka ma ku beegay
Ma bineeyay xaajaba god bay beegsataa abide
Afar kalena aan soo baxshee  buugga ku xaqiija
Maalintay Balaayadu kacdee ay baduna guuxdo
Birta kii isagu haysta maalintuu bixiyo ee taago
Hubka laysku wada boobayana duindu buux dhaafto
Baaruudu maalintay qaraxdo ee baasku kor u yeedho
Maalintay colaad baahdo ee maxasta loo baydho
Ee lays baabashee misana laysku bahaloobo
Boqolaal nin oo magic lahaa markuu haadku kala boobo
Ee baqayaha iyo dhurwaa libin ku baashaalo
Ee Oday boosle xeer beegti mudan idil la baabiiyo
Maalinta naftuba baabadee maalku badi leedo
Maalintay bartii shalay wacnayd qiiqu ka bulaamo
Ee baalayda iyo habar dugaag baqaha uu guuro
Maalintay Addoomuhu baryada wada bilaabaan
Eebow I bixi maalintuu hadal ku soo beegmo
Nabad waa u wada baahan yahay Noole beer lihiye
Cidna kuma badhaadhoo colaad kuma bogsoodaane
Waxay biiso mooye ma jiro wanaag looga bogayaaye
Ninka baawar sheegtiyo ninkii baqaya ee liita
Midkastaba colaad waa u balo iyo baase nololeede
Ninka isagu baaqbaaqayoow adiyo baashaada.
Afartaas bartii aan la rabay shiishka ma ku beegay
Ma bineeyay xaajaba god bay beegsataa abide
Afar kalena aan soo baxshee buuga ku xaqiija
Afrikada waxaa baabashee taagay bacadkaas
Ee ay u bohol yoobayaan una bukoodeen
Oo waa baaq colaadeed oo baahay oo fidaye
Bahalkii caddaaba ka tagay Bari gumaystiiye
Intu beelo noo kala dhiguu boodharana jeexay
Ayuu beeray aafaadkan baahayee badi na naafeeyay
Oo boqol  sano gadasheed wataa taagan baradiiye
Allahayoow adaa boqorehee nabada noo buuxi
Afartaas bartii aan la rabay shiishka ma ku beegay
Ma bineeyay xaajaba god bay beegsataa abide
Afar kalena aan soo baxshee buuga ku xaqiija
Barta laga bilaaba Hadal lagu bireeyaayee
Anna baaqan gabay waxaa beegsi uga yeelay
Bulshooy nabada beer waa bar waajibahe



Friday, November 8, 2013

Geenyo



Geenyo
Axmednuur C/laahi Xuseen
Waa maansadiisi saddexaad waxaanay si gaara ula hadlaysaa Ubaxle iyadoo ku dhaliilaysa in uu gabadhii ku tilmaamay Jin iyo waxaan la hayn.


Hal abuurka gugan
Sabankani gudbiyo
Geeshkani kacoow
Gadhwadeenadoow
Gidigiin salaam
Bal gudooma oo
Gacan qaadka hoo

Goortii dhawayd
Wanigii golaa
Gees uga baxee

Haatan  aan god kale
Geediga furee
Geenyo  iigu dara

Sidaan goor dhawayd
Warar soo gudbiyo
Gaasira dirked
Gefer aan ka helay

Arrinkii gurracan
Garnaqsaa la furay
Geedbaa la tagay
Ninba golaha keen
Wixii gubay isaga

Gurtidii arrinka
Gashay ee wadaan
Iyaguna gartii
Geesna aan u ridin

Xaalkuna gig noqoy
Layskuna gardiid
Garo oo ogoow
Waxa laysku galay
Maaha geel la dhacay
Naf godayna ma taal
Waa guud haldhaa
Oo garashadeed
Ruuxba gees ka maray

Anna goortan iyo
Laylkan gaaban baan
Ubaxloow garkale
Kugu soo galee
Bal garwaaqsa oo
Garawshiiyo keen

Gabadh caayideed
In ay tahay gafoo
Guurti xeer ka tidhi
May  ku garab martoo
Gacaloow ma ogid

Adna guud haldhaa
Goodaada iyo
Halaq guurayiyo
In ay goor dhawayd
Guumays dhashoo
Garas loo karshaad
Geedkii la timi

Garo  oo mar hore
Waadigii gafee
Yidhi guud haldhaa
Waa gabadh jin oo
Lama gaadhi karo

Haatan iyo gaw
Intaasoo gafbaad
Gidii wada gashoo
Misna golaha yaal

Waa hooyee garo
Marna guriga iyo
Ubad geeshabay
Gacalow dhashaa

Marna waa gobaad
Gabadh aad dhashoo
Ma  gaydee xummaan

Laba kuu  gudboon
Bal miduun gudoon

In aad xaal gobeed
Golaa keenta ood
Giddi wiilashii
Misna guud haldhaa
Gayaankeed ahaa
Gaadhsiisa iyo
In golaa la tago
Oo guurti iyo
Odayaal galaan 

Gar cadaawe aan
Kala guranaoo
Geesteed ka maro

Hadal iyo guntii
Geenyiyo warkeed
Aan gunaanadee
Gidigiin abwaan
Gaar ahaan intii
Heesahan gobeed
Gola  keentayoow
Xil guunabaad
Garbaa saarateen
Umadbaad gabood
Geeydh aad u tiin 
Xumaa kaga gudboon
Ee garashadiin
Gawsku yaanu dabar
Giijiya ku noqon

Xaqa garab istaag
U gargaar samaa
Gacansii dulmane
Ka gardiidayana
Runta gaw ku sii

Kaan gabood lahayn
Guri u yagleel
Gaasiinkaa la cuno
Gaw kay ka tahay
Gaajo yuu u dhiman
Haraadkuna gig tiring

Geelana hashaas
Galow loola baxay
Kaligii guntade
Yuu hadhuub la galin

 Anigana ga’ dii 
Waa iga guntii
Iyo gabagabii