Meherkii Qaaradaha.
Somali way kala tagtay oo kala tafaraaruqday,way kala luntay oo kala leeleeshay, oo sidii Ido weere helay iniba jiho u caymaday oo u carartay.
Nin waliba wuxuu afka saaray halkay ula eekoonatay, carro edegna inta ina Aadame ku nool yahay firxadkeedi wuu gaadhay oo ay ku gabal dhacsatay.
Hibo waxay ka mid tahay barbaartaas qaran jabk la kacday, waxay nolol biday Yurub iyo imaanshaheeda.
Safar dheer oo silic usoo dhamaadayse nabaqd qab timi oo rubaddu ma dhaafin waxayse goob joog u ahayd tiro aanay hadda sixi karin oo horteeda ku naf baxday,intii ay ku jirtay safarkii waalida iyo miyir qabka u dhexeeyay dhibkii ay soo mudatay cidi ma weydiiso iyana kama sheekayso, markase ay kaliyaysato waxa maskaxdeedu dib usoo celisaa kun iyo kumanaan dhacdo oo ay safarkaas ka kasbatay, oo idilkood xanuun ku abuura, waxayse xasuusteedu la miyir doorsoontaa marka ay xasuusato mar iyo marar badan oo ay hantideedi qofeed lumisay, markaasay hiiftaa oo habaartaa ina rag, mar kale waxay nacdashaa oo nacdaa safar iyo wixii gala, waxayse ku laab qabowdaa marka ay aragto kumanyaal dhigeed ah oo sahaydii safarkaasi u noqotay carruur aan cid lahayn, iyaduse waa Hibo oo kaliya.
Hibo 10 sano ayay soo mooganayd hoygii iyo halkii ay ku hanaqaaday, mase tirsato sacadah shaqada wax ka badan oo waayaha adduun ayaan u saamixin inay tiriso maalmo iyo sanado toona.
Caawa xaalku wuu ka duwan yahay sidii hore, haddii kali ahanshaha waxa qudha ee ay ku xasuusataa ahaa safarkii dhimashada, habeenkan kuma jiro xusuusteeda, waxa maskaxdeedu soo tirisay inta wiilal iyo hablo ah ee ay mar wada kacaameen, wiilal maalmo badan iyo habeeno badan u dan sheegtay iyana ay been ku maaweelisay.kuwo iyada lafteedu ay la haysay oo waayuhu kala heeray.
Muna iyadoo la guursaday maqashay, maadse maqal qofka guursaday, ma Xasan oo berigii ay wada sheekaysan jireenbaa, mooyi.
Iyada Sahra inay carabta u tacabirtay warkeeda laguu sheeg, inayse qoys iyo qormo dhisatay war uma haysid, laakiin way qofnimo wanaagsnayd oo kolay cid waayi mayso, intaas iyo in badan oo kale ayay ka fikirtay oo ka fikirtay.
mar iyo lababa waxay maskaxdeeda ka baadhay inta wiil kufkeed ah ee ay dalkii kaga timi, wiilkii ay ilmaabtiga ahayeen ayay ka fikirtay, malaha haddaad isaga arrin u bandhigi lahayd kaamuu diideen, aad ayuuse kaaga yaraa oo Qadan oo 3 carruur ahi u dhexeeyeen ayaad habeen iyo maalin kala dhalateen. Halkan aad joogto lafteeda hebel marar badan ayuu si waayeelnimo kula hadlay mooyi badanaa oo barako daranaa.
Mukhtaar eheladiisa oo ay Hibo wada degen yihiin gaar ahaan Nura oo Mukhtaar Habro wadaag ay yihiin ayaa bilowgii samaysay xidhidhka ay Hibo inta badan ka cago jiiday ee ay Mukhtaar wadaagan, isaguse xogta uu Nuura ka helay waxay dareen qoto fog ku beertay ruuxdiisa, mar iyo lababa ma qarsan dareenka u Hibo u abo waxaase uu la kulmay diidmo kaga yimi xaga Hibo.
Habeenkaasi Hibo wuxuu u ahaa mid maskaxdeedu ay wax badan is weydiisay, ugu danbaynse waxay talo ku gunuday in ay aqbasho dalabkii Mukhtaar ee ahaa inay qoys wada yagleelaan, oo ay mar iyo lababa hore uga dhego adaygtay,caawase waxay qaadatay go'aankaas oo aanay habeena ku fikirn, waxayna ku ducaysatay Ilaahow aan waaga waraabe cunin.
Goor hore ayay subaxnimadii hurdada ka kacday, daal iyo tacab badan oo ay fikirkii iyo hurdo la'aantii xalay ka qaaday ayaa jidhkeeda ka muuqday,waxay qabsatay Telephone ka oo ay la hadashay Mukhtaar oo Canada degen, isna inkastoo bilowgii kumanaan su'aalood oo aanu jawaab u hayni maskaxdiisa sida daadka ugu soo burqadeen hadana haye iyo hawraarsan ku qaabil.
Sidaas ayay dalkii kula soo hadleen, oo meherkii 3d qaaradood (Yurub, America & Africa) ku dhacay,kana dhacay madal loo dhan yahay oo lamanaha is calmadayna ka maqan yihiin.
Hibo halkaas iyo Yurub ayay degen tahay welise ma hayso waraaqihii ay ku socdaali lahayd, Mukhtaar isna Canada ayuu degen yahay sharciga uu haystaase ma gaadhsiisna heer uu ku socdaali karo,halkaas ayaa dalkiina ay wada degen yihiin laba qoys oo xidida, dhismihii qoyskuna weli waa kala dhantaalan yahay ogaalkayna intii meherkaas ka danbaysay waa muddo mid iyo laba carruur ahba laga dhalo.
Ahmed Abdillahi Hussein (guraaye)
H.A.Ahmed Abdillahi Hussein
KU SOO DHAWOOW MAREEGTA GAARKA AH EE HAL-ABUUR AHMED ABDILLAHI HUSSEIN
Tuesday, July 28, 2015
Thursday, March 12, 2015
DEGMO (Curiye: Axmed C/llaahi Xusseen)
DEGMO (Curiye: Axmed C/llaahi
Xusseen)
Maansada degmo waxay soo baxday dhawaan, waxaana curiyey Hal-abuur Axmed C/llaahi xuseen.
waxayna ka ifafaalle iyo aragti bixinayaa waayaha iyo waagga taagan sidoo kale waxay tilmaamaysaa kana
digaysaa,siyaasiga danaystaha ah,ee l eh tilmaamaha ama sifooyinka , kursi jacaylka, maamul xumada ,xil gudasho la aanta, cadaalad darada, eexda,qabyaalada iyo
quudhsiga ina ragaadiyey.waxayna inagu tusalaynaysaa isla
mar ahaantaana ina xasuusinaysaa
dhacdooyin iyo taarikho tagay oo waayo aragnimadooda lahaa,waxayna ku
bilaabmaysaa sidan:
Aqooneey Dadaalkaa
Cilmiyoow Daryeelkaa
Garashooy damiirkaa
Dulmiyoow ka hadalkaa
Runeey daafacadaa
Beeney ka digidaa
Danta Guud Tilmaanteed
Taariikhda Dunidani
Iyadaa is duubtee
Kolba bayd in laga dayo
Waa Faral dusheenaa
Waxaan uga dan leeyahay
Dura iyo ilaa shalay
Intay dunidu joogtee
Dadku uu ku noolaa
Waligeed dagaaliyo
Dirirbaa ka socotoo
Dulmigoo kibraayiyo
Xaqa oo difaacaa
Dagaal ba’an dhexyaalo
Marka uu diciifee
Rabbi uu duleeye
Maalmo uu dulmigu jabo
Duniduna nasiimiyo
Farxad ay dareentee
Xaqa loo dabaal dago
Midkaloo dardaranbaa
Daabcad soo afaystoo
Diintiyo xaqaba naca.
Waxaan uga dan leeyahay
Degmadaan ku noolahay
Waxan la isku dilayaa
Marna la isu durayaa
Danyar hiil u gala iyo
Danta qaranka maahee
Ninba doobigiisuu
Xeedhada daboolka la’
Darso uu is leeyahay
Anna waan ka damanahay
Dabinada la qooloo
Markaan soo duljoogsado
Degdeg iila kacayaa.
Waxaan uga dan leeyahay
Duqda geela ugu weyn
Markii ay durduri tidhi
Aarrankuna ku dayashada
Inuu Fadal ku sii
daro
Dabci weeye laga filo.
Marna geela kaa dida.
Neefka ugu da’weynoo
Hogaan loogu duubaa
Isagaa dariiqiyo
Dhabihii ku soo duwa.
Waxaan uga dan leeyahay
Duudka nabar igaga yaal
Kaan dawee idhaahdaa
Dabiib aan ka hela iyo
Dhaymo hay danbeeyee
Intuu iga damqaabaan
Darajada ku siiyaa.
Isagoo I diir neceb
Anna waan u diranahay
Waliba waan daryeelaa.
Mililkana Dushiisaan
Hadba Daawo Mariyaa
Doogna Waan u halis ahay
Waxaan uga dan leeyahay.
Qulux lagu didshaabaa
Adhi loogu daw galay
Anna doorna kama koro
Daasad lay garaaciyo
Durbaan uu nin kale tumay.
Iyo qolo ku dirirkeed.
Mid dabkuu shidaabaan
Kaan dami idhaahdaa
Isna gaas ku darayaa
Isagoo danbiga falay
Garsoorbaan u doontaa
Maragna waan u daystaa
Waxaan uga danleeyahay
Dirsooc iyo xumaantii
Duudsiga gabooyaaha
Nabsi ruuxa Dararshaa
Haba Durugsanaatee
Markuu doobi buuxsado
Inuu daato waw halis
Waxaan uga dan leeyahay
Hadba waxaan difaaca
Kii dabada joogoo
Markuu Dayrka dhaafee
Ku Dangiigsadaabuu
Kii aan mar hore diray
Inuu dhaamo daayoo
Isna igu durduriyaa
Waxaan uga Dan leeyahay
Dirka aan u magan ahay
Darsigay yaqaanaan
Kala dilsita weeye
Sida qaranka loo dumo
Damiinbay ka yiinoo
Waligood ma daalacan.
Isku duubni
wadareed
Dirsoocbay ka jecel yiin.
Daawaa u xidhan
hore
Xidida u daadsani
Dhusinkay u
diranyiin
Dirku wa walaalee
Haku daganin
ereygaan
Dibnaha meel
ka sii jirin.
Waxaan uga
dan leeyahay.
Wixii
Duurka loo galay
Ee
geesi loo dilay
Ma
ahayn dadkaygoow
Hebel
oo dantii raba
Dal
in loo burburiyee
Bal
damiirka qiimee
Waxaan
uga danleeyahy
Dibiyada
hirdamayaa
Hadday damasha
jiidhan
Ama Dalaga gooyaan
Dib in looga waabshaa
Waa Dariiqa kuu furan
Adna Dawlad nimadiyo
Qabiil laysku daaba
Waa Sida Dureemada
Ama duurka geedaha
Iyo taraq la daaree
Ma u kala
dadaalnaa
Waxaan uga
danleeyahay
Cadli bayna
deeqee
Degmadeena
yaa yidhi
Marka uu
gugu u da’o
Doogii ka
soo baxa
Diirbaa u
qaybsane
Xooluhu ma
daaqaan
Degmadeena
yaa yidhi
Laba daamo
weeyaan
Waxaan uga
dan leeyahay.
Ninka dooxa
reer furay
Daadkana ka
moos yidhi
Saqafkoo
daloolana
Darmo ubad
u dhigayee
Ma darooro
kugu yidhi
Digtoorbaa
la geeyaa
Adna
Dulucda sheekada
Duur
xulkiyo ujeedada
Halkaan
diiradow wado
Adaa ila
dareenee
Xaleefow
daraasee
Dul ahaana
hawraar
Ubaxliyo
Digtoorkii
Inta
degelka joogtiyo
Inta dibad
ku sheegane
Waayuhu
nakala diray
Waa Mudan
Docdaydee
Daabacaad
ku gaadhsii
Ku dheh
doorkan maanta
Dadkii waan
u baqayaa
Mudankii la
diran jiray
Makastaa ka
door roon
Raggu waajibkii
dayac
Dumarkuna xilkoodii
Tahan
maanta daba mare
Samii waa
la duudsiyay
Xumaantaa
la daystaa
Dirir geesi
lagu hubo
Doqonkay ka
jecelyiin
Xaqa kii u
doodaa
Dayruu mutaystaa
Docdaad
maanta eegtaba
Xaalku Waa
dayacantaa
Hala buurna
Doorkii
Doodiyo wax
sheegii
Marku
waayay dhego diran
Aamuskuu ka door biday Dhammaad
Monday, November 11, 2013
GARBO SIMAN
GARBA SIMAN
25/August /2012
Mukhtaar geesiyoow
Buurti gacan libaax
Guradii hargeys
Gurigii ku yiil
Guubaabaadaad
Ka soo gacal dirteed
Afmaal guud ahaan
Gaar ahaan bahdii
Hawraarba gabi
Gaar ugu xusteed
Go’ tuurtayeed
Gabo gabo ku tidhi
Xilkii waad gabteen
Waad gaabiseen
Na soo gaadhayoo
Gudihii burciyo
Golihiii timo
Guud ahaan raggii
Kuu garaaba oo
Allaylehe gartaa
Gobbaa dhiidhidoo
Galow kacay habeen
Wax gubaa jiroo
Fiintaba galaydh
Gudcurkoo dam yidhi
Cirka gaaxday iyo
Guga soo curtaa
Kaga daran gantaal
Inaan gaabiyoo
Gucliihii dhimaan
Gaar isu qaboo
Cafis gaysabaan
Islahaa golii
Goortaad tagtee
Murti guun ahayd
Wadaad laga guntaa
Gundhigeed ahaa
Isku goostayoo
Isu maanan gayn
Dibnahana ma galin
Intu yahay gugay
Go’ e laba tagoog
Wax ka dhigan gaddaa
Maankaba ma galin
Garba siman raggii
Inuu gaar u baxay
Noqday laba gudboon
Faala guudmariyo
Arar iyo godkeed
Gabogabo intaan
Ka soo gaadhay
Geel daaq wax jira
Kaga gudub intaa
Biyo gororka iyo
Gobadii warkana
U soo gudub haddeer
Goblantada adduun
Gaadhay shiidiyoo
Way gabaabsidoo
Gamashiday haddeer
Inay tahay guntii
Murdis gaadha iyo
Goror kii ku hadhay
Garaadkii fayoow
Wuu garanayaa
Guul wax loo yaqaan
Mansab goobid iyo
Dhoobo isu gayn
Tulud geel ahayd
Mid aan gacal u diran
Xoolo seeg u go’ay
Baa garaada loo
Guurti loo yaqaan
Gole lagu kulmoo
Xajaadii guracan
Garta laba dhex taal
Lagu axadh gurroo
Lagu gooyo samo
Midaan gallina tagin
Baa garaada loo
Guurti loo yaqaan
Mid aqoon ka gudhan
Ka gabnaa caqliga
Baa garaada loo
Guurti loo yaqaan
Geesiyo nin raga
Aan guunyo hayn
Shilin goon karayn
Waa la gaasiroo
Gunba loo yaqaan
Goonbaarta iyo
Gaaridii haween
Way gudboon yihiin
Geestaad daydaba
Xaalku waa guracan
Dhabankiyo gacmii
Isla gaadhayoo
Waa galab carow
Garashada rag waa
Giftin labada mudac
Nin gariirto lihi
Isla goobayoo
Isu gayn la yahay
Wax ka dhigan gadda
Laba gacal ahaa
Wada yaal guryaa
Gef haduu dhex maro
Gashi kala tawdaan
Gobonimadu sow
Gar allee ma ahaa
Inuu guura’oo
Galabta miduun
Geediga lalabo
Abaar gudubtayoo
Jartay guunyadii
Ninkii gabawareee
Aqalkiisii gubay
Gurgurshaagi yuu
U gurayn lahaa
Garboodkiyo haween
Boqna gooyayee
Gondihii ka jaray
Aan wada go’nee
Gagida ila ool
Gar miyaa tolow
Gacan hore nin qabay
Hadduu goostayoo
Gurigii yabyabay
Isu taagay gaar
Libtu gaadhay iyo
Guushu hantiyay
Ma in laga gubtaa?
Gabagabada iyo
Gunta sheekadii
Idinkoo gudboon
Waa idiin garoon
Goob loo dhan yahay
H.A. Ahmed Abdillahi Hussein
BAAQA NABADA (GABAY)
Gabaygan BAAQA NABADA waxa uu soo baxay badhtamihii sanadkii 2010, xiligaas oo magaalada Burco lagu qabanayay tartankii gabayaada Nabada ee dhallinyarada Somaliland.
marka laga tago in munaasibad gaar ah loogu talo galay haddana waa mawduuc ay muhiim tahay markasta in laga hadlo, waana gabay mar kasta iyo madal kasta oo nabada lagaga hadlaayo ku haboon.
marka laga tago in munaasibad gaar ah loogu talo galay haddana waa mawduuc ay muhiim tahay markasta in laga hadlo, waana gabay mar kasta iyo madal kasta oo nabada lagaga hadlaayo ku haboon.
BAAQA NABADA
Bismilaahiba lagu gala baabkastaad
furiye
Oo lagu bilaaba ilayn barako weeyaane
Aniguna ma baal marin ee haddaan
soo bandhigayaaye
Bulshayahay I maqal waano waad
iiga barateene
Noolahaas ilaah badiyay ee duinada
buux dhaafshay
Badda kaa ku jira iyo kaas barriga
samo ku baashaala
Kaas baal ku duuliyo midkaa beerka
ku hadaafa
Laba kii ku baydada midkii afar ku
boodaaya
Kii buur rakaystiyo Midkaa Bohol
ku noolaada
Kii Aqal binaystiyo midkaa Boodhka
ku hurdaaya
Boqor kii isagu sheegta iyo kaan
cidiba soo beegsan
Kii boqolka geel foofsadiyo kaan
barnaba haysan
Bilyan lacaga kaa baan dhigtiyo
kaan beesad shilin haysan
Kii beer carruuraad ilaah boqori
uu siiyay
Iyo kaa bidhaantood ka madhan kay
ku tahay beebi
Hubka boqolka nooc ahi midkuu
beydka uga buuxo
Ee balayiinta foofsada sidii
baraha xoolaad
Een cidina kula baratamayn lagana
baydhaayo
Nimco kii u balawaadha iyo kaas
baladu guud joogto
Boqolaalkan nooc ee misana dunida
buux dhaafshay
Midkastaaba nabad waw bukaa una
buseelaaye
Iyaduu u wada baahan yahay noole
beer lihiye
Intay nabadu baashada taal baqahu
kaa dheere
Boqolkaas hal dheertahay markaad
hayso baalaha’e
Waa hoyga loo baratamee lagu
badhaadhaaye
Waa barwaaqo nololeed oo ninkii
beegsadaa helo’e
Waa astaan badhaadhaha adduun lagu
hal beegaaye
Waa keymo baad qariyay oo badanku
doonaaye
Waa caano beeraad laga lisoo baahi
loo qaba’e
Waa barkimada rag wada leeyahaan
cidina baasayne
Afartaas bartii aan la rabay
shiishka ma ku beegay
Ma bineeyay xaajaba god bay
beegsataa abide
Afar kalena aan soo baxshee buugga ku xaqiija
Maalintay Balaayadu kacdee ay
baduna guuxdo
Birta kii isagu haysta maalintuu
bixiyo ee taago
Hubka laysku wada boobayana duindu
buux dhaafto
Baaruudu maalintay qaraxdo ee
baasku kor u yeedho
Maalintay colaad baahdo ee maxasta
loo baydho
Ee lays baabashee misana laysku
bahaloobo
Boqolaal nin oo magic lahaa markuu
haadku kala boobo
Ee baqayaha iyo dhurwaa libin ku
baashaalo
Ee Oday boosle xeer beegti mudan idil
la baabiiyo
Maalinta naftuba baabadee maalku
badi leedo
Maalintay bartii shalay wacnayd
qiiqu ka bulaamo
Ee baalayda iyo habar dugaag
baqaha uu guuro
Maalintay Addoomuhu baryada wada
bilaabaan
Eebow I bixi maalintuu hadal ku
soo beegmo
Nabad waa u wada baahan yahay
Noole beer lihiye
Cidna kuma badhaadhoo colaad kuma
bogsoodaane
Waxay biiso mooye ma jiro wanaag
looga bogayaaye
Ninka baawar sheegtiyo ninkii
baqaya ee liita
Midkastaba colaad waa u balo iyo
baase nololeede
Ninka isagu baaqbaaqayoow adiyo
baashaada.
Afartaas bartii aan la rabay
shiishka ma ku beegay
Ma bineeyay xaajaba god bay
beegsataa abide
Afar kalena aan soo baxshee buuga
ku xaqiija
Afrikada waxaa baabashee taagay
bacadkaas
Ee ay u bohol yoobayaan una
bukoodeen
Oo waa baaq colaadeed oo baahay oo
fidaye
Bahalkii caddaaba ka tagay Bari
gumaystiiye
Intu beelo noo kala dhiguu
boodharana jeexay
Ayuu beeray aafaadkan baahayee
badi na naafeeyay
Oo boqol sano gadasheed wataa taagan baradiiye
Allahayoow adaa boqorehee nabada
noo buuxi
Afartaas bartii aan la rabay
shiishka ma ku beegay
Ma bineeyay xaajaba god bay
beegsataa abide
Afar kalena aan soo baxshee buuga
ku xaqiija
Barta laga bilaaba Hadal lagu
bireeyaayee
Anna baaqan gabay waxaa beegsi uga
yeelay
Bulshooy nabada beer waa bar
waajibahe
Friday, November 8, 2013
Geenyo
Geenyo
Axmednuur C/laahi Xuseen
Waa
maansadiisi saddexaad waxaanay si gaara ula hadlaysaa Ubaxle iyadoo ku
dhaliilaysa in uu gabadhii ku tilmaamay Jin iyo waxaan la hayn.
Hal abuurka gugan
Sabankani gudbiyo
Geeshkani kacoow
Gadhwadeenadoow
Gidigiin salaam
Bal gudooma oo
Gacan qaadka hoo
Goortii dhawayd
Wanigii golaa
Gees uga baxee
Haatan aan god
kale
Geediga furee
Geenyo iigu dara
Sidaan goor dhawayd
Warar soo gudbiyo
Gaasira dirked
Gefer aan ka helay
Arrinkii gurracan
Garnaqsaa la furay
Geedbaa la tagay
Ninba golaha keen
Wixii gubay isaga
Gurtidii arrinka
Gashay ee wadaan
Iyaguna gartii
Geesna aan u ridin
Xaalkuna gig noqoy
Layskuna gardiid
Garo oo ogoow
Waxa laysku galay
Maaha geel la dhacay
Naf godayna ma taal
Waa guud haldhaa
Oo garashadeed
Ruuxba gees ka maray
Anna goortan iyo
Laylkan gaaban baan
Ubaxloow garkale
Kugu soo galee
Bal garwaaqsa oo
Garawshiiyo keen
Gabadh caayideed
In ay tahay gafoo
Guurti xeer ka tidhi
May ku garab martoo
Gacaloow ma ogid
Adna guud haldhaa
Goodaada iyo
Halaq guurayiyo
In ay goor dhawayd
Guumays dhashoo
Garas loo karshaad
Geedkii la timi
Garo oo mar
hore
Waadigii gafee
Yidhi guud haldhaa
Waa gabadh jin oo
Lama gaadhi karo
Haatan iyo gaw
Intaasoo gafbaad
Gidii wada gashoo
Misna golaha yaal
Waa hooyee garo
Marna guriga iyo
Ubad geeshabay
Gacalow dhashaa
Marna waa gobaad
Gabadh aad dhashoo
Ma gaydee xummaan
Laba kuu gudboon
Bal miduun gudoon
In aad xaal gobeed
Golaa keenta ood
Giddi wiilashii
Misna guud haldhaa
Gayaankeed ahaa
Gaadhsiisa iyo
In golaa la tago
Oo guurti iyo
Odayaal galaan
Gar cadaawe aan
Kala guranaoo
Geesteed ka maro
Hadal iyo guntii
Geenyiyo warkeed
Aan gunaanadee
Gidigiin abwaan
Gaar ahaan intii
Heesahan gobeed
Gola
keentayoow
Xil guunabaad
Garbaa saarateen
Umadbaad gabood
Geeydh aad u
tiin
Xumaa kaga gudboon
Ee garashadiin
Gawsku yaanu dabar
Giijiya ku noqon
Xaqa garab istaag
U gargaar samaa
Gacansii dulmane
Ka gardiidayana
Runta gaw ku sii
Kaan gabood lahayn
Guri u yagleel
Gaasiinkaa la cuno
Gaw kay ka tahay
Gaajo yuu u dhiman
Haraadkuna gig tiring
Geelana hashaas
Galow loola baxay
Kaligii guntade
Yuu hadhuub la galin
Anigana ga’
dii
Waa iga guntii
Iyo gabagabii
Subscribe to:
Posts (Atom)