Tuesday, July 28, 2015

Meherkii Qaaradaha.
Somali way kala tagtay oo kala tafaraaruqday,way kala luntay oo kala leeleeshay, oo sidii Ido weere helay iniba jiho u caymaday oo u carartay.
Nin waliba wuxuu afka saaray halkay ula eekoonatay, carro edegna inta ina Aadame ku nool yahay firxadkeedi wuu gaadhay oo ay ku gabal dhacsatay.
Hibo waxay ka mid tahay barbaartaas qaran jabk la kacday, waxay nolol biday Yurub iyo imaanshaheeda.
Safar dheer oo silic usoo dhamaadayse nabaqd qab timi oo rubaddu ma dhaafin waxayse goob joog u ahayd tiro aanay hadda sixi karin oo horteeda ku naf baxday,intii ay ku jirtay safarkii waalida iyo miyir qabka u dhexeeyay dhibkii ay soo mudatay  cidi ma weydiiso iyana kama sheekayso, markase ay kaliyaysato waxa maskaxdeedu dib usoo celisaa kun iyo kumanaan dhacdo oo ay safarkaas ka kasbatay, oo idilkood xanuun ku abuura, waxayse xasuusteedu la miyir doorsoontaa marka ay xasuusato mar iyo marar badan oo ay hantideedi qofeed lumisay, markaasay hiiftaa oo habaartaa ina rag, mar kale waxay nacdashaa oo nacdaa safar iyo wixii gala, waxayse ku laab qabowdaa marka ay aragto kumanyaal dhigeed ah oo sahaydii safarkaasi u noqotay carruur aan cid lahayn, iyaduse waa Hibo oo kaliya.
Hibo 10 sano ayay soo mooganayd hoygii iyo halkii ay ku hanaqaaday, mase tirsato sacadah shaqada wax ka badan  oo waayaha adduun ayaan u saamixin inay tiriso maalmo iyo sanado toona.
Caawa xaalku wuu ka duwan yahay sidii hore, haddii kali ahanshaha waxa qudha ee ay ku xasuusataa ahaa safarkii dhimashada, habeenkan kuma jiro xusuusteeda, waxa maskaxdeedu soo tirisay inta wiilal iyo hablo ah ee ay mar wada kacaameen, wiilal maalmo badan iyo habeeno badan u dan sheegtay iyana ay been ku maaweelisay.kuwo iyada lafteedu ay la haysay oo waayuhu kala heeray.
Muna iyadoo la guursaday maqashay, maadse maqal qofka guursaday, ma Xasan oo berigii ay wada sheekaysan jireenbaa, mooyi.
Iyada Sahra inay carabta u tacabirtay warkeeda laguu sheeg, inayse qoys iyo qormo dhisatay war uma haysid, laakiin way qofnimo wanaagsnayd oo kolay cid waayi mayso, intaas iyo in  badan oo kale ayay ka fikirtay oo ka fikirtay.
mar iyo lababa waxay maskaxdeeda ka baadhay inta wiil kufkeed ah ee ay dalkii kaga timi, wiilkii ay ilmaabtiga ahayeen ayay ka fikirtay, malaha haddaad isaga arrin u bandhigi lahayd kaamuu diideen, aad ayuuse kaaga yaraa oo Qadan oo 3 carruur ahi u dhexeeyeen ayaad habeen iyo maalin kala dhalateen. Halkan aad joogto lafteeda hebel marar badan ayuu si waayeelnimo kula hadlay mooyi badanaa oo barako daranaa.
Mukhtaar eheladiisa oo ay Hibo wada degen yihiin gaar ahaan Nura oo Mukhtaar Habro wadaag ay yihiin ayaa bilowgii samaysay xidhidhka ay Hibo inta badan ka cago jiiday ee ay Mukhtaar wadaagan, isaguse xogta uu Nuura ka helay waxay dareen qoto fog ku beertay ruuxdiisa, mar iyo lababa ma qarsan dareenka u Hibo u abo waxaase uu la kulmay diidmo kaga yimi xaga Hibo.
Habeenkaasi Hibo wuxuu u ahaa mid maskaxdeedu ay wax badan is weydiisay, ugu danbaynse waxay talo ku gunuday in ay aqbasho dalabkii Mukhtaar ee ahaa inay qoys wada yagleelaan, oo ay mar iyo lababa hore uga  dhego adaygtay,caawase waxay qaadatay go'aankaas oo aanay habeena ku fikirn, waxayna ku ducaysatay Ilaahow aan waaga waraabe cunin.
Goor hore ayay subaxnimadii hurdada ka kacday, daal iyo tacab badan oo ay fikirkii iyo hurdo la'aantii xalay ka qaaday ayaa jidhkeeda ka muuqday,waxay qabsatay Telephone ka oo ay la hadashay Mukhtaar oo Canada degen, isna inkastoo bilowgii kumanaan su'aalood oo aanu jawaab u hayni maskaxdiisa sida  daadka ugu soo burqadeen hadana haye iyo hawraarsan ku qaabil.
Sidaas ayay dalkii kula soo hadleen, oo meherkii 3d qaaradood (Yurub, America & Africa) ku dhacay,kana dhacay  madal loo dhan yahay oo lamanaha is calmadayna ka maqan yihiin.
Hibo halkaas iyo Yurub ayay degen tahay welise ma hayso waraaqihii ay ku socdaali lahayd, Mukhtaar isna Canada ayuu degen yahay sharciga uu haystaase ma gaadhsiisna heer uu ku socdaali karo,halkaas ayaa dalkiina ay wada degen yihiin laba qoys oo xidida, dhismihii qoyskuna weli waa kala dhantaalan yahay ogaalkayna intii meherkaas ka danbaysay waa muddo mid iyo laba carruur ahba laga dhalo.

Ahmed Abdillahi Hussein (guraaye)

Fg: magacyada  shakhsiyaadka  sheekada ku xusani ma aha kuwo dhab ah

No comments:

Post a Comment