Tuesday, July 28, 2015

Meherkii Qaaradaha.
Somali way kala tagtay oo kala tafaraaruqday,way kala luntay oo kala leeleeshay, oo sidii Ido weere helay iniba jiho u caymaday oo u carartay.
Nin waliba wuxuu afka saaray halkay ula eekoonatay, carro edegna inta ina Aadame ku nool yahay firxadkeedi wuu gaadhay oo ay ku gabal dhacsatay.
Hibo waxay ka mid tahay barbaartaas qaran jabk la kacday, waxay nolol biday Yurub iyo imaanshaheeda.
Safar dheer oo silic usoo dhamaadayse nabaqd qab timi oo rubaddu ma dhaafin waxayse goob joog u ahayd tiro aanay hadda sixi karin oo horteeda ku naf baxday,intii ay ku jirtay safarkii waalida iyo miyir qabka u dhexeeyay dhibkii ay soo mudatay  cidi ma weydiiso iyana kama sheekayso, markase ay kaliyaysato waxa maskaxdeedu dib usoo celisaa kun iyo kumanaan dhacdo oo ay safarkaas ka kasbatay, oo idilkood xanuun ku abuura, waxayse xasuusteedu la miyir doorsoontaa marka ay xasuusato mar iyo marar badan oo ay hantideedi qofeed lumisay, markaasay hiiftaa oo habaartaa ina rag, mar kale waxay nacdashaa oo nacdaa safar iyo wixii gala, waxayse ku laab qabowdaa marka ay aragto kumanyaal dhigeed ah oo sahaydii safarkaasi u noqotay carruur aan cid lahayn, iyaduse waa Hibo oo kaliya.
Hibo 10 sano ayay soo mooganayd hoygii iyo halkii ay ku hanaqaaday, mase tirsato sacadah shaqada wax ka badan  oo waayaha adduun ayaan u saamixin inay tiriso maalmo iyo sanado toona.
Caawa xaalku wuu ka duwan yahay sidii hore, haddii kali ahanshaha waxa qudha ee ay ku xasuusataa ahaa safarkii dhimashada, habeenkan kuma jiro xusuusteeda, waxa maskaxdeedu soo tirisay inta wiilal iyo hablo ah ee ay mar wada kacaameen, wiilal maalmo badan iyo habeeno badan u dan sheegtay iyana ay been ku maaweelisay.kuwo iyada lafteedu ay la haysay oo waayuhu kala heeray.
Muna iyadoo la guursaday maqashay, maadse maqal qofka guursaday, ma Xasan oo berigii ay wada sheekaysan jireenbaa, mooyi.
Iyada Sahra inay carabta u tacabirtay warkeeda laguu sheeg, inayse qoys iyo qormo dhisatay war uma haysid, laakiin way qofnimo wanaagsnayd oo kolay cid waayi mayso, intaas iyo in  badan oo kale ayay ka fikirtay oo ka fikirtay.
mar iyo lababa waxay maskaxdeeda ka baadhay inta wiil kufkeed ah ee ay dalkii kaga timi, wiilkii ay ilmaabtiga ahayeen ayay ka fikirtay, malaha haddaad isaga arrin u bandhigi lahayd kaamuu diideen, aad ayuuse kaaga yaraa oo Qadan oo 3 carruur ahi u dhexeeyeen ayaad habeen iyo maalin kala dhalateen. Halkan aad joogto lafteeda hebel marar badan ayuu si waayeelnimo kula hadlay mooyi badanaa oo barako daranaa.
Mukhtaar eheladiisa oo ay Hibo wada degen yihiin gaar ahaan Nura oo Mukhtaar Habro wadaag ay yihiin ayaa bilowgii samaysay xidhidhka ay Hibo inta badan ka cago jiiday ee ay Mukhtaar wadaagan, isaguse xogta uu Nuura ka helay waxay dareen qoto fog ku beertay ruuxdiisa, mar iyo lababa ma qarsan dareenka u Hibo u abo waxaase uu la kulmay diidmo kaga yimi xaga Hibo.
Habeenkaasi Hibo wuxuu u ahaa mid maskaxdeedu ay wax badan is weydiisay, ugu danbaynse waxay talo ku gunuday in ay aqbasho dalabkii Mukhtaar ee ahaa inay qoys wada yagleelaan, oo ay mar iyo lababa hore uga  dhego adaygtay,caawase waxay qaadatay go'aankaas oo aanay habeena ku fikirn, waxayna ku ducaysatay Ilaahow aan waaga waraabe cunin.
Goor hore ayay subaxnimadii hurdada ka kacday, daal iyo tacab badan oo ay fikirkii iyo hurdo la'aantii xalay ka qaaday ayaa jidhkeeda ka muuqday,waxay qabsatay Telephone ka oo ay la hadashay Mukhtaar oo Canada degen, isna inkastoo bilowgii kumanaan su'aalood oo aanu jawaab u hayni maskaxdiisa sida  daadka ugu soo burqadeen hadana haye iyo hawraarsan ku qaabil.
Sidaas ayay dalkii kula soo hadleen, oo meherkii 3d qaaradood (Yurub, America & Africa) ku dhacay,kana dhacay  madal loo dhan yahay oo lamanaha is calmadayna ka maqan yihiin.
Hibo halkaas iyo Yurub ayay degen tahay welise ma hayso waraaqihii ay ku socdaali lahayd, Mukhtaar isna Canada ayuu degen yahay sharciga uu haystaase ma gaadhsiisna heer uu ku socdaali karo,halkaas ayaa dalkiina ay wada degen yihiin laba qoys oo xidida, dhismihii qoyskuna weli waa kala dhantaalan yahay ogaalkayna intii meherkaas ka danbaysay waa muddo mid iyo laba carruur ahba laga dhalo.

Ahmed Abdillahi Hussein (guraaye)

Thursday, March 12, 2015

DEGMO (Curiye: Axmed C/llaahi Xusseen)



DEGMO (Curiye: Axmed C/llaahi  Xusseen)
Maansada degmo waxay soo baxday  dhawaan,  waxaana  curiyey Hal-abuur Axmed C/llaahi xuseen. waxayna ka ifafaalle iyo aragti bixinayaa waayaha iyo waagga taagan   sidoo kale waxay tilmaamaysaa kana digaysaa,siyaasiga danaystaha ah,ee l eh tilmaamaha ama  sifooyinka , kursi  jacaylka,  maamul xumada ,xil gudasho la aanta,  cadaalad darada, eexda,qabyaalada iyo quudhsiga  ina  ragaadiyey.waxayna inagu tusalaynaysaa isla mar ahaantaana ina  xasuusinaysaa dhacdooyin  iyo taarikho  tagay oo waayo aragnimadooda lahaa,waxayna ku bilaabmaysaa sidan:


Aqooneey Dadaalkaa
Cilmiyoow Daryeelkaa
Garashooy damiirkaa
Dulmiyoow ka hadalkaa
Runeey daafacadaa
Beeney ka digidaa
Danta Guud Tilmaanteed

Taariikhda Dunidani
Iyadaa is duubtee
Kolba bayd in laga dayo
Waa Faral dusheenaa
Waxaan  uga dan leeyahay
Dura iyo ilaa shalay
Intay dunidu joogtee
Dadku uu ku noolaa
Waligeed dagaaliyo
Dirirbaa ka socotoo
Dulmigoo kibraayiyo
Xaqa oo difaacaa
Dagaal ba’an dhexyaalo
Marka uu diciifee
Rabbi uu duleeye
Maalmo uu dulmigu jabo
Duniduna nasiimiyo
Farxad ay dareentee
Xaqa loo dabaal dago
Midkaloo dardaranbaa
Daabcad soo afaystoo
Diintiyo xaqaba naca.

Waxaan  uga dan leeyahay
Degmadaan ku noolahay
Waxan la isku dilayaa
Marna la isu durayaa
Danyar hiil u gala iyo
Danta qaranka maahee
Ninba doobigiisuu
Xeedhada daboolka la’
Darso uu is leeyahay
Anna waan ka damanahay
Dabinada la qooloo
Markaan soo duljoogsado
Degdeg iila kacayaa.
Waxaan uga dan leeyahay
Duqda geela ugu weyn
Markii ay durduri tidhi
Aarrankuna ku dayashada
Inuu  Fadal ku sii  daro
Dabci weeye laga filo.
Marna geela kaa dida.
Neefka ugu da’weynoo
Hogaan loogu duubaa
Isagaa dariiqiyo
Dhabihii ku soo duwa.
Waxaan uga dan leeyahay
Duudka nabar igaga yaal
Kaan dawee idhaahdaa
Dabiib aan ka hela iyo
Dhaymo hay danbeeyee
Intuu iga  damqaabaan
Darajada ku siiyaa.
Isagoo I diir neceb
Anna waan u diranahay
Waliba waan daryeelaa.
Mililkana Dushiisaan
Hadba Daawo Mariyaa
Doogna Waan u halis ahay
Waxaan uga dan leeyahay.
Qulux lagu didshaabaa
Adhi loogu daw galay
Anna doorna kama koro
Daasad lay garaaciyo
Durbaan uu nin kale tumay.
Iyo qolo ku dirirkeed.
Mid dabkuu shidaabaan
Kaan dami idhaahdaa
Isna gaas ku darayaa
Isagoo danbiga falay
Garsoorbaan u doontaa
Maragna waan u daystaa
Waxaan  uga danleeyahay
Dirsooc iyo xumaantii
Duudsiga gabooyaaha
Nabsi ruuxa Dararshaa
Haba Durugsanaatee
Markuu doobi buuxsado
Inuu daato waw halis
Waxaan uga dan leeyahay
Hadba waxaan difaaca
Kii dabada joogoo
Markuu Dayrka dhaafee
Ku Dangiigsadaabuu
Kii aan mar hore diray
Inuu dhaamo daayoo
Isna igu durduriyaa
Waxaan uga Dan leeyahay
Dirka aan u magan ahay
Darsigay yaqaanaan
Kala dilsita weeye
Sida qaranka loo dumo
Damiinbay  ka yiinoo
Waligood ma daalacan.
Isku duubni wadareed
Dirsoocbay  ka jecel yiin.
Daawaa u xidhan hore
Xidida u daadsani
Dhusinkay u diranyiin
Dirku wa walaalee
Haku daganin ereygaan
Dibnaha meel ka sii jirin.
Waxaan uga dan leeyahay.
Wixii Duurka loo galay
Ee geesi loo dilay
Ma ahayn dadkaygoow
Hebel oo dantii raba
Dal in loo burburiyee
Bal damiirka qiimee
Waxaan uga danleeyahy
Dibiyada hirdamayaa
Hadday damasha jiidhan
Ama Dalaga gooyaan
Dib in looga waabshaa
Waa Dariiqa kuu furan
Adna Dawlad nimadiyo
Qabiil laysku daaba
Waa Sida Dureemada
Ama duurka geedaha
Iyo taraq la daaree
Ma u kala dadaalnaa
Waxaan uga danleeyahay
Cadli bayna deeqee
Degmadeena yaa yidhi
Marka uu gugu u da’o
Doogii ka soo baxa
Diirbaa u qaybsane
Xooluhu ma daaqaan
Degmadeena yaa yidhi
Laba daamo weeyaan
Waxaan uga dan leeyahay.
Ninka dooxa reer furay
Daadkana ka moos yidhi
Saqafkoo daloolana
Darmo ubad u dhigayee
Ma darooro kugu yidhi
Digtoorbaa la geeyaa
Adna Dulucda sheekada
Duur xulkiyo ujeedada
Halkaan diiradow wado
Adaa ila dareenee
Xaleefow daraasee
Dul ahaana hawraar
Ubaxliyo Digtoorkii
Inta degelka joogtiyo
Inta dibad ku sheegane
Waayuhu nakala diray
Waa Mudan Docdaydee
Daabacaad ku gaadhsii
Ku dheh doorkan maanta
Dadkii waan u baqayaa
Mudankii la diran jiray
Makastaa ka door roon
Raggu waajibkii dayac
Dumarkuna  xilkoodii
Tahan maanta daba mare
Samii waa la duudsiyay
Xumaantaa la daystaa
Dirir geesi lagu hubo
Doqonkay ka jecelyiin
Xaqa kii u doodaa
Dayruu  mutaystaa
Docdaad maanta eegtaba
Xaalku Waa dayacantaa
Hala buurna Doorkii
Doodiyo wax sheegii
Marku waayay dhego diran
       Aamuskuu ka door biday 


                                       Dhammaad