DEGMO (Curiye: Axmed C/llaahi 
Xusseen)
Maansada degmo waxay soo baxday  dhawaan,  waxaana  curiyey Hal-abuur Axmed C/llaahi xuseen.
waxayna ka ifafaalle iyo aragti bixinayaa waayaha iyo waagga taagan   sidoo kale waxay tilmaamaysaa kana
digaysaa,siyaasiga danaystaha ah,ee l eh tilmaamaha ama  sifooyinka , kursi  jacaylka,  maamul xumada ,xil gudasho la aanta,  cadaalad darada, eexda,qabyaalada iyo
quudhsiga  ina  ragaadiyey.waxayna inagu tusalaynaysaa isla
mar ahaantaana ina  xasuusinaysaa
dhacdooyin  iyo taarikho  tagay oo waayo aragnimadooda lahaa,waxayna ku
bilaabmaysaa sidan:
Aqooneey Dadaalkaa
Cilmiyoow Daryeelkaa
Garashooy damiirkaa
Dulmiyoow ka hadalkaa
Runeey daafacadaa
Beeney ka digidaa
Danta Guud Tilmaanteed
Taariikhda Dunidani
Iyadaa is duubtee
Kolba bayd in laga dayo
Waa Faral dusheenaa
Waxaan  uga dan leeyahay
Dura iyo ilaa shalay 
Intay dunidu joogtee 
Dadku uu ku noolaa 
Waligeed dagaaliyo 
Dirirbaa ka socotoo 
Dulmigoo kibraayiyo 
Xaqa oo difaacaa
Dagaal ba’an dhexyaalo
Marka uu diciifee
Rabbi uu duleeye
Maalmo uu dulmigu jabo
Duniduna nasiimiyo 
Farxad ay dareentee
Xaqa loo dabaal dago
Midkaloo dardaranbaa
Daabcad soo afaystoo
Diintiyo xaqaba naca.
Waxaan  uga dan leeyahay
Degmadaan ku noolahay
Waxan la isku dilayaa
Marna la isu durayaa
Danyar hiil u gala iyo 
Danta qaranka maahee
Ninba doobigiisuu 
Xeedhada daboolka la’
Darso uu is leeyahay 
Anna waan ka damanahay
Dabinada la qooloo
Markaan soo duljoogsado
Degdeg iila kacayaa.
Waxaan uga dan leeyahay
Duqda geela ugu weyn 
Markii ay durduri tidhi
Aarrankuna ku dayashada
Inuu  Fadal ku sii 
daro 
Dabci weeye laga filo.
Marna geela kaa dida.
Neefka ugu da’weynoo 
Hogaan loogu duubaa
Isagaa dariiqiyo 
Dhabihii ku soo duwa.
Waxaan uga dan leeyahay
Duudka nabar igaga yaal
Kaan dawee idhaahdaa
Dabiib aan ka hela iyo 
Dhaymo hay danbeeyee
Intuu iga  damqaabaan 
Darajada ku siiyaa.
Isagoo I diir neceb 
Anna waan u diranahay
Waliba waan daryeelaa.
Mililkana Dushiisaan 
Hadba Daawo Mariyaa
Doogna Waan u halis ahay
Waxaan uga dan leeyahay.
Qulux lagu didshaabaa
Adhi loogu daw galay
Anna doorna kama koro
Daasad lay garaaciyo 
Durbaan uu nin kale tumay.
Iyo qolo ku dirirkeed.
Mid dabkuu shidaabaan 
Kaan dami idhaahdaa
Isna gaas ku darayaa
Isagoo danbiga falay
Garsoorbaan u doontaa
Maragna waan u daystaa
Waxaan  uga danleeyahay
Dirsooc iyo xumaantii
Duudsiga gabooyaaha
Nabsi ruuxa Dararshaa 
Haba Durugsanaatee
Markuu doobi buuxsado
Inuu daato waw halis
Waxaan uga dan leeyahay
Hadba waxaan difaaca
Kii dabada joogoo
Markuu Dayrka dhaafee
Ku Dangiigsadaabuu
Kii aan mar hore diray
Inuu dhaamo daayoo
Isna igu durduriyaa
Waxaan uga Dan leeyahay
Dirka aan u magan ahay 
Darsigay yaqaanaan
Kala dilsita weeye
Sida qaranka loo dumo 
Damiinbay  ka yiinoo
Waligood ma daalacan.
Isku duubni
wadareed
Dirsoocbay  ka jecel yiin.
Daawaa u xidhan
hore
Xidida u daadsani
Dhusinkay u
diranyiin
Dirku wa walaalee
Haku daganin
ereygaan 
Dibnaha meel
ka sii jirin.
Waxaan uga
dan leeyahay.
Wixii
Duurka loo galay
Ee
geesi loo dilay 
Ma
ahayn dadkaygoow
Hebel
oo dantii raba
Dal
in loo burburiyee
Bal
damiirka qiimee
Waxaan
uga danleeyahy
Dibiyada
hirdamayaa
Hadday damasha
jiidhan
Ama Dalaga gooyaan
Dib in looga waabshaa 
Waa Dariiqa kuu furan
Adna Dawlad nimadiyo 
Qabiil laysku daaba
Waa Sida Dureemada
Ama duurka geedaha
Iyo taraq la daaree
Ma u kala
dadaalnaa
Waxaan uga
danleeyahay
Cadli bayna
deeqee
Degmadeena
yaa yidhi
Marka uu
gugu u da’o
Doogii ka
soo baxa
Diirbaa u
qaybsane
Xooluhu ma
daaqaan
Degmadeena
yaa yidhi
Laba daamo
weeyaan
Waxaan uga
dan leeyahay.
Ninka dooxa
reer furay
Daadkana ka
moos yidhi
Saqafkoo
daloolana
Darmo ubad
u dhigayee
Ma darooro
kugu yidhi
Digtoorbaa
la geeyaa
Adna
Dulucda sheekada
Duur
xulkiyo ujeedada
Halkaan
diiradow wado
Adaa ila
dareenee
Xaleefow
daraasee
Dul ahaana
hawraar
Ubaxliyo
Digtoorkii
Inta
degelka joogtiyo
Inta dibad
ku sheegane
Waayuhu
nakala diray 
Waa Mudan
Docdaydee
Daabacaad
ku gaadhsii
Ku dheh
doorkan maanta
Dadkii waan
u baqayaa
Mudankii la
diran jiray 
Makastaa ka
door roon 
Raggu waajibkii
dayac 
Dumarkuna  xilkoodii
Tahan
maanta daba mare
Samii waa
la duudsiyay 
Xumaantaa
la daystaa
Dirir geesi
lagu hubo
Doqonkay ka
jecelyiin 
Xaqa kii u
doodaa
Dayruu  mutaystaa
Docdaad
maanta eegtaba
Xaalku Waa
dayacantaa
Hala buurna
Doorkii 
Doodiyo wax
sheegii
Marku
waayay dhego diran 
       Aamuskuu ka door biday Dhammaad